Banaanbax lagu taageerayey la dagaallanka Maandooriyaha oo ka dhacay Muqdisho

Published: April 29, 2023
Shares2

Boqolaal dhallinyara ah ayaa isugu soo baxday qaar kamid wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo socod ku yimid Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere.

 Ujeedka banaanbaxa waxa uu ahaa mid ay dhallinyarada Caasimadda ku taageerayeen howlgalada uu Maamulka Gobolka Banaadir kula dagaalamayo ka ganacsiga iyo isticmaalka Maandooriyaha.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamud Makaraan oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay dhallinyarada isugu soo baxday Wadooyinka Magaalada si ay u muujiyaan dareen kooda ku aadan muhiimada ay bulshada u leedahay in laga hortago Maandooriyaha, kaas oo halis ku ah xasiloonida Dalka iyo mustaqbalka Dhallinyarada.

Dhowaan ayey aheyd markii Maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday tallaabooyin lagula dagaalamayo ka ganacsiga iyo isticmaalka Maandooriyaha.

Horseed Media