Banaanbaxyo balaaran oo lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacay dalalka Yurub

Published: November 11, 2023
Shares40

Maanta oo Sabti ah ayey banaanbaxyo balaaran oo lagu taageerayo Falastiin ka dhaceen dalal badan oo kamid ah Midowga Yurub.

Banaanbaxa ugu balaaran ayaa maanta ka dhacay markale Magaalada London ee caasimada UK.

Sidoo kale xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayey ka dhaceen banaanbaxyo lagu cambaareenayo xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Magaalada Barcelona ee dalka Spain ayey sidoo kale ka socdaa banaanbax lagu taageerayo Falastiin.

Dowladaha Yurub ayaa si weyn isugu khilaafsan xiisada ka taagan Falastiin.

Codeyntii dhawaan Qaramada Midoobay ka dhacday ee lagu cambaareeyey Israel ayey sidoo kale ku kala qeybsameen Midowga Yurub.

Dalalka Spain, Ireland iyo Belgium ayaa taageeray qaraarkii Golaha loo dhamaa ee Qaramada Midoobay, halka dalalka Holland, Germany, Italy iyo qaar kale ka aamuseen.

Dhinaca kale dalalka Austria, Hungary iyo Czechia ayaa noqday kuwa Midowga Yurub ee diiday cambaareynta Israel.

Horseed Media