Bangaladhesh: Iska horimaad dhexmaray Booliiska iyo dibadbaxayaal ku baaqayay inay iscasisho Raysalwasaaraha

Published: July 30, 2023

Booliska Bangladesh ayaa rasaasta cinjirka ah iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee dhagxaanta tuurayay oo xiray waddooyinka waaweyn ee caasimadda Dhaka si ay u dalbadaan in ra’iisul wasaaraha ay iscasisho.

Taageerayaasha Xisbiga Wadaniga ah ee Bangladesh (BNP) ayaa Sabtidii gubay Basaska, waxayna qarxiyeen bambooyinka shidaalka, sida ay sheegeen booliiska iyo warbaahinta maxalliga ah, iyagoo dalbanaya in Ra’iisul Wasaare Sheikh Hasina ay xilka ka degto, isla markaana doorashada soo socota ee la filayo horraanta sanadka soo socda ay qabato Dawlad dhexdhexaad ah.

Sabtidii, BNP waxay sheegtay in tobanaan taageerayaasheeda ah la dhaawacay. Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan 20 askari ay ku dhaawacmeen iska horimaadka. Ugu yaraan 90 qof ayaa la xiray, halka laba ka mid ah madaxda sare ee BNP la dhigay xabsiga ka dibna la sii daayay, sida ay sheegeen booliiska.

Xaalada caasimad Dhaka, ayaa ku jirta xiisad, iyadoo Xisbiga talada haya ee Awami League ku baaqeen mudaharaad dhankooda ah maanta oo Axad ah, halka mucaaridkuna ay ku baaqeen abaabul dadweyne oo dheeraad ah berri oo Isniin ah.

Horseed Media