Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya oo Ku Guuleystay Abaalmarin Caalami ah

Published: June 16, 2023

Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ay sannad walba bixiso hay’adda ‘Central Banking’ ee fadhigeedu yahay waddanka Inguriiska.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa abaalmarintaasi lagu guddoonsiiyey xaflada aad loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Guddoomiyaha oo hadal mahadcelin ah ka jeediyey madasha xafladdaasi ayaa yiri “Jaa’isaddani waxay daliil u tahay dadaalka dheer ee shaqaalaha iyo maamulka Bankiga Dhexe ku bixiyeen hirgelinta kaabayaasha maaliyadda dalka oo uu ugu horreeyo Hannaanka Lacag bixinta Qaranka”.

Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka go’an dib u dhiska iyo xasiloonida hannaanka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Horseed Media