Barakac ka billowday Beledweyne, kadib markii uu Webiga Shabelle ku fatahay xaafadaha magaaladaasi

Published: May 9, 2023
Shares88

Webiga Shabelle oo dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafado ka mid ah magaaladaasi, taas oo ay ka dhalay barakac.

Biyo fara badan ayaa galay xaafadaha Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn oo ka wada tirsan Beledweyne, iyadoo shacabka ku noolaa xaafadahaasi ay isaga barakacay guryahooda.

Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqato qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi.

Sidoo kale Fatahaadda ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismayaasha magaaladaas ku taalla Koonfurta Soomaaliya.

Horseed Media