James Swan oo Warbixin Ka Siiyey Golaha Amaanka Xaaladda Soomaaliya

Published: September 8, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaas oo diirada lagu saaray, arrimaha amniga, abaaraha daran ee ka jira dalka & howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horreyn Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka isaga oo sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid ku habboon in wax laga qabto arrimaha mudnaanta u leh Qaranka leh, si looga faa’ideysto fursadaha jira xilligaan.

Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday safaradii uu galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo boggaadiyey dadaalka uu geliyey xiriirka arrimaha dibadda.

“Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bahwadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Mr. James Swan.

James Swan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu ku boorinayo dowladda inay sii wado dadaalkeeda, si loo xaqiijiyo xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo caalamka.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha bani’aadanimo, isaga oo sheegay in xaalado halis ah wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay abaarta dalka oo haatan la saadaaliyey inay ka dhalan karto xaalad macluul ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *