Beesha Caalamka Oo Soo Dhowaysay Madaxweynaha Puntland Ee Mar Kale La Doortay

Published: January 10, 2024

Beesha caalamka ayaa soo saartay bayaan ay kusoo dhawaynayo sida ay u dhacday doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday Puntland.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay soo dhaweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8-da Janaayo 2024. Waxaan ku ammaaneynaa shacabka Dowlad-goboleedkan Xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee Puntland sida sida nabdoon ee ay u aqbsoontay doorashadu” ayuu u qornaa bayaanku.

Qoraalka bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Waxaan ku bogaadinaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada si loo xaqiijiyo hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyo dhammaan dhinacyadu in ay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon”.

Bayaanka oo lasoo dhigay barta internet-ka ee UNSOM ayaa lagu xusay ururro iyo dalal badan oo ka qayb ah bayaankan wadajirka ah, sidan ayuuna u dhignaa:

*Howlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Ergada Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA). Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Poland, Qatar, Federation Russia, Sweden, Switzerland, Uganda, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Bqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Horseed Media