Beesha caalamka oo War-saxaafadeed ka soo saaray xaalada ka taagan Laascaanood

Published: January 2, 2023
Shares22

Saaxibada taageera Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray xaalada ka taagan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisey xiisadda ka taagan magaaladaas iyagoo baaq u diray Somaliland iyo shacabka ku nool Laascaanood.

“Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa intaas la sii raaciyey “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.”

Horseed Media