Beesha Caalamka: Waa in la xaliyo walaaca laga keenay Hanaanka Doorashada

Published: August 25, 2021

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Warsaxaafadeed ka Soo Saaray Hanaanka Doorashada ee dhawaan ay isku raaceen Golaha Wadatashiga Qaran.

qoraal kasoo baxay Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa lagu yiri.

“Waxaan aragnaa in la dhammeystiray doorashada Aqalka Saree e Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo in hanaanka laga billaabay Jubaland iyo Galmudug. Waxaan sidoo kale garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana GWQ ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka”,

“Iyagoo la xusuusanaya in boqolkiiba 24 ee kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan”,

“Waxaan soo dhoweynaynaa dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxaana ku baaqaynaa in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose iyo in tixgeling la siiyo amniga ergada, musharaxiinta iyo xubnaha guddiga haweenka ah”,

“Saaxiibadu waxay GWQ iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteedy GWQ ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda”,

“Saaxiibada beesha caalamku waxay ku hanweynyihiin inay sii wadaan wada shaqaynta si loo hirgeliyo hanaan doorasho oo daahfuran oo waqtigiisi ku dhaca”,

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *