Belgium: Wasiirka Cadaaladda oo isu casilay weerarkii Brussels

Published: October 21, 2023

Wasiirkii cadaalada ee Belgium,  Vincent Van Quickenborne ayaa isu casilay kadib fadeexad ka dhalatay weerarkii todobaadkan ka dhacay caasimada dalkaasi ee Brussels.

Ninkii weerarkaasi geystay oo lagu magacaabay Abdesalem Lassoued ayaa la ogaaday in dowlada Tunisia ay raadineysay in loo gacan geliyo sanadkii hore, ninkaasi heystay dhalashada Tunisia oo xagjir ah ayaa toogasho ku dilay laba qof oo Iswidhish ah, saddex kalena dhaawacay weerarkii Brussels ee Isniintii lasoo dhaafay.

Muuqaal la soo dhigay internetka ayuu ninka weerarka geystay ku sheegay in ay dhiiri galiyeen kooxda Daacish. Booliska ayaa subaxnimadii Talaadada ninkan ku toogtay maqaaxi ku taal Brussels oo aan ka fogeyn goobtii uu weerarka ka geystay.

Ninka toogashada geystay ayaa loo diiday magangelyo bishii Oktoobar 2020 waxaana la amray in loo tarxiilo dalkiisa sanadkii 2021, laakiin dowlada Belgium ayaa waysey meel uu ka baxay.

Horseed Media