Benin: Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay keydka shidaalka

Published: September 24, 2023
Shares22

Qarax ayaa ka dhacay bakhaar lagu keydiyo shidaalka koontarabaanka ah oo ku yaalla koonfurta Benin. Dhaqaalaha aan rasmiga ahayn ee Benin waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay iibinta shidaalka Nigeria laga tahriibiyo ee loo yaqaan suuqa madow.

Qaraxan oo ka dhacay magaalo dhacda koonfurta dalka Benin ayaa galaaftey nafta 35 qof waxaana ku dhaawacmey tiro taas ka badan sida ay sheegtey warbaahinta dowladda.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda oo ay la wadaagtay idaacada maxaliga ah ee BIP Radio Cotonou, ayaa lagu sheegay in dhimashadu ay marayso 35, iyadoo caruur ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhacay goob shidaalka lagu keydiyo, waxaana ay ku warantay in uu dhacay markii gawaarida rakaabka, mootooyinka iyo bajaajtu ay safaf dhaadheer ugu jireen bakhaarka si ay qaataan shidaal keyd ah.

Benin ayaa ka mid ah dowladaha deriska la ah Nigeria, waxaana ay leedahay suuq madow oo shidaal ah kaas oo lagu iibiyo shidaalka laga soo tahriibiyo Nayjeeriya.