Biden iyo Wasiiradiisa oo lagu soo oogay dacwad la xariirta Xasuuqa Gaza

Published: November 14, 2023

Ehelada dadka lagu xasuuqa Gaza oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Dacwadan Madaniga ah ayey ehelada soo gudbiyey sheegeen in lacagtooda canshuurta looga qaado lagu hubeeyo Israel oo xasuuq wada.

Waxaa sidoo kale dacwadan qeyb ka ah oo iyagana dacwado lagu soo ogay Xoghayaha Arrimaha Dibada Antony Blinken iyo Gaashaandhiga Lloyd Austin.

Mas’uuliyiintan ayaa loo heystaa inay illaa iyo hada diidan yihiin in xabad joojin lagu dhawaaqo, isla markaana wadaan hubeynta Israel.

Dalka Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ansixiyey sharciyada la xariira kahor taga xasuuqa iyo ciqaabida dadka geysta.

Balse waxay dacwadan tijaabo u noqon doontaa sida Garsoorka Mareykanka go’aan uga gaaro arrimahan taabanaya siyaasada dibbada ee Mareykanka.

Horseed Media