Biden oo booqanaya UK, kahor shirweynaha NATO

Published: July 10, 2023

Biden ayaa axaddii shalay gaaray wadanka UK, isagoo kala hadli doona xukuumada dalkaasi arrimaha Ukraine iyo shirka NATO oo la filayo inuu ka bilowdo magaalada Vilnius ee dalka Lithuania. Kadib wuxuu usii gudbi doonaa wadanka Finland.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa billaabay safar saddex dal oo Yurub ah, Shirweynaha NATO ayaa furmi doona maalinta berri ah, kaasoo looga gol leeyahay in lagu muujiyo taageerada dalka Ukraine iyadoo la isku khilaafsan yahay ku biiritaanka wadankaasi ee isbahaysigaasi.

Qeybta ugu weyn ee safarka Biden ee Yurub ayaa noqon doona shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya caasimadda Lithuania Talaadada iyo Arbacada, markaasoo xulafada reer galbeedka ay ka wada hadli doonaan sidii ay Ukraine uga caawin lahaayeen inay ka saaraan ciidamada Ruushka ee kusoo duulay.

Horseed Media