Biixi Imaan oo kulamo la qaatey madaxdii ka soo qaybgashey shirkii IMF iyo World Bank

12 October, 2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Marrakish ee Boqortooyada Moroiko…

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Marrakish ee Boqortooyada Moroiko ayaa kulab doceedyo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanadaan lagu qabtay Dalka Morooko.

Biixi Iimaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirku kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaha deymaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa dhiggiisa Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed kulan gaar ah oo ku saabsan arrimaha deyn cafinta la qaatay, maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta ku leh.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shirar muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, Mudane Wasiir Biixi ayaa kulanka ugu horeeya la qaatay Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.