Biixi Imaan oo sheegay in $27 milyan dakhliga dowladdu kordhey

Published: May 8, 2024

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in dakhliga u soo xeroodey dowladda federaalka ah afartii biloow ee u danbeysey oo kor u kacay 30% marka loo barbar dhigo sanadkii hore 2023 xiligaan oo kale

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta oo Arbaca ah shir jaar’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Muqdishowaxaana uu ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo kor u qaadida dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in affartii bilood oo ugu la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samayay kor u qaadida dakhliga gudaha dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka Maaliyadda, xoojinta nidaamka maamulka guud ee Maaliyadda iyo dardar-gelinta in laga faa’iideystay Tiknooloojiyadda casriga ah ee soo xereynta Canshuuraha.

” Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa $73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa $89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 Janaayo ilaa Abril dakhliga Dowladda u soo xarooday waa $116 Milyan oo Dollar. Labadii sanno ee u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah $27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha muddo afarbilod Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in soddon boqolkiiba 30% inuu kordhay sanadkaan dakhliga Dowladda. Sidoo kale wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in horumar laga sameeyay hannaanka canshuur aruurinta Dowladda taasi oo uu sheegay in ay sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hadlay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya halka uu marayo iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay ka miradhalinta in la gaaro guusha deyn cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in Dakhliga gudaha dalka uu hormumr wayn sameeyay bilihii ugu dambeeyay taasi oo ah guullo wax ku ool ah oo laataban karo.

HORSEED MEDIA