Bilaal Bulshaawi oo caanka ahaa Tiktok ayaa lagu dhaawacay Muqdisho

Published: September 2, 2022
Bilaal Bulshaawi

Wararka soo gaaraya Horseed ayaa sheegaya in fiidnimada jiacada lagu dhaawacay magaalada Muqdisho Bilaal Bulshaawi oo caanka ahaa baraha bulshada sidoo kale isu caleema saarey Madaxweynaha Tiktok ee Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay jidka Banaadir, gaar ahaan maqaaxida Casri, waxaana geystey laba nin oo ku hubeysnaa baastoolado sida wararku sheegayaan, waxaa isla goobtaas ku dhaawacmey nin kale oo la dhafiyey ninka la weeraray.

Bilaal ayaa hadda la dhigey isbitaalka Digfeer oo ku yaala meel ku dhaw halka lagu dhaawacay, waxaana xabaddu uga dhacdey madaxa sida ay wararka qaarkood sheegayaan.

Bilaal Bulshaawi ayaa caan ka ahaa barta Tiktok oo uu ku lahaa boqolaalkun oo qof oo ku xiran, sidoo kale waxa uu u dhaq-dhaaqaaqi jirey arrimaha bini’aadanimada.

Lama qaban kooxdii weerartey, meesha dilku ka dhcay ayaa kamid ah goobaha ugu mashquulka badan Muqdisho.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *