Blinken oo gaaray Sacuudiga

Published: March 20, 2024

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii ka degay dalka Sacuudiga, socdaalkiisa uu ku marayo gobolka ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro xabbad joojin ka dhaqan gashay Marinka Gaza.

Blinken ayaa gaaray Jeddah halkaas oo la filayo inuu kula kulmo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

Waa booqashadii lixaad oo uu ku tago gobalka tan iyo intuu bilowday duulaanka ay Israa’iil ku qaaday Marinka Gaza.

Blinken ayaa lagu wadaa inuu Khamiista u safro Masar, oo xuduud la leh Gaza.

Waxaana la filayaa in maalin kadib uu aadi doono Israa’iil, xili uu sii xumaanayo xidhiidhka u dhexeeya madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Horseed Media