Booliiska Garissa oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub

Published: December 12, 2021

Booliiska magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Sadex ruux oo watay hub kadib howlgal ay ka fuliyeen xaafad lagu magacaabo Iftin ee dowlad deegaan Gaarissa.

Saraakiish Booliiska ayaa Warbaahinta u sheegay in qabteen hub ka kooban 4 qori iyo 203 xirmo oo rasaas ah iyo shakhsiyaadkii watay oo Saddex nin kuwaasoo la xiray.

Afhayeen u hadlay Booiiska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in hubkan la doonayay in lagu fuliyo weerarro ka dhaca dalka Kenya, Bulshada ayayna ugu baaqeen inay laamaha Amniga kala Shaqeeyaan adkeynta amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *