Booliiska Gobolka Bari oo laga gacan siinayo la dagaalanka Argagixisada

Published: November 4, 2021

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan mid kamid ah hogaanka Ciidamada Dowlada Puntland ka Tageerta Ladagalanka argagixisada.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo tababarada la siiyo Ciidanka Booliska si ay ula dagalamaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Hennie Niemann oo kamid ah Sarakiisha Dowlada Puntland ee ka tageerta Ladagalanka argagixisada ayaa intaas kaib waxaa uu aqoon is weydaarsi siiyay sarakiisha Booliska Gobalka Bari iyo Taliyaasha Rugaha iyadoo inta badan looga hadlay sida looga hortago dhibaato walba oo ay sameeyaan kooxaha argagixisada iyo siyaabaha looga hortagi karo.

Hennie oo la hadlayay Ciidamadan ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay kula dagaalamayaan alshabaab, kuna taageerayaan howlgalka Puntland ee la dagaalanka kooxaha Nabaddiidka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *