Booliiska Kenya oo heegan la geliyay xilli la sugayo go’aanka maxkamadda ee muranka doorashada

Published: September 3, 2022

Dhammaan madaxda gobollada iyo degmooyinka dalka Kenya, ayaa laga codsaday inay u diyaar garoobaan xaalad kasta oo ka dhalan karta go’aanka Maxkamadda Sare ee Isniinta lagu dhawaaqayo, taasoo ku beegan 5-ta bishan Sebtember ee aynu ku jirno.

Ku xigeenka booliiska ee dalka Kenya, Edward Mbugua, ayaa warqad u diray madaxda laamaha ammaanka, isagoo ku booriyay iney feejignaadaan, oo ay u diyaar garoobaan amaro la xiriira amniga, iyo sida laga yeelayo go’aanka maxkamada kadib.

Warqad ku suntaneyd 1-da bisha Sebtembar, Mbugua, ayaa waxa uu sidoo kale ka codsaday saraakiisha amniga iney nuqullo kamid ah qorshahe hawleedkooda usoo gudbiyaan xarunta adeegga booliiska Kenya, inta aan la gaarin kahor 3-da galabnimo ee Jimcaha, ee ku beegneyd shaley.

Arrintan ayaa timid saacado kaddib digniin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Nairobi, oo ku wajahan muwaadiniinteeda u socdaalaya iyo kuwa ku sugan ismaamulka Kisumu, ka hor inta aan la xukumin Isniinta.

Isagoo ka falcelinaya isla talobixin lamid ah, barasaabka Kisumu Anyang’ Nyong’o, ayaa waxa uu u xaqiijiyay dadka deegaanka ineysan fileyn in wax isbedel ah uu ku yimaado xaalada amniga.

Si kasta oo ay ahaataba natiijada kasoo baxda xukunka ee ku tilmaamay gobolka in ay tahay bulsho nabad ah oo jinsiyado badan iyo isir ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *