Booliiska Turkiga oo horjoogsaday Mudaharaad lagu qaaday Saldhiga Militariga Mareykanka

Published: November 5, 2023

Booliiska Turkiga ayaa maanta Sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday shacab badan oo ku mudaharaadayey saldhiga Mareykanka dalkaasi ku leeyahay.

Mudaharaadkan oo lagu taageerayey Falastiin ayaa lala beegsaday Saldhiga Mareykanka oo ku yaal duleedka magaalada Incirlik ee koonfurta Turkiga.

Dadka mudaharaadayey oo banaanbaxooda ka bilaabay magaalada Incirlik ayey booliiska horjoogsadeen markii ay ku dhawaayeen saldhigan ciidanka Cirka.

Saldhigan ku yaal koonfurta Turkiga ayaa waxaa inta badan adeegsada diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo UK, maadaama u dhaw yahay Bariga Dhexe.

Dalka Turkiga waa wadanka kaliya ee Muslimka ah ee xubinta ka ah isbaheysiga militariga reer Galbeedka ee NATO.

Shacabka Turkiga oo banaanbaxyo balaaran dhigayey todobaadyadan ayaa kasoo horjeeda in saldhigyada dalkooda ay adeegsadaan xulafada Israel.

Dhinaca kale kumanaan dad ah ayaa sidoo kale maanta ku mudaharaaday banaanka safaarada Mareykanka ee ku taal caasimada Ankara.

Banaanbaxyadan ayaa lagu soo beegay xili maanta uu dalkaasi booqasho ku imaanayey Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken.

Horseed Media