Wiil iyo Aabihiis oo kamid ah Ciyaal Weero oo Boolisku qabteen!

Published: July 27, 2022
Taliyaha qeybta Bari ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge

Howlgallo ka dhanka ah kooxaha ciyaal Weerada oo dhibaato xooggan ku haya shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka socda degmooyin ay kamid tahay Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha qeybta Bari ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge oo warbixin siinayay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka oo kormeer ugu tagay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallada.

Taliyaha Cali Calasow ayaa sheegay in arrimaha la yaabka leh ee ay arkeen ay ku jirto Wiil iyo Aabihiis oo ciyaal weero ah iney la kulmeen.

Sidoo kale Taliyaha qeybta Bari ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in xaaladda ay meel halis u sii socoto, wuxuuna cadeeyay im ciyaal weeradu ay haatan isu bedeleyso Gaangistaro, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge, ayaa waalidiinta u diray fariin ku aaddan inay la socdaan xaaladda caruurtooda, isagoo ka digay in laga daba yimaado marka caruur falal amni darro loo soo xiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *