Booqashada Ra’iisul wasaare Xamse ee dalka Qatar

Published: September 5, 2023
Shares2

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayo ayaa si diirran Shalay gelinkii danbe loogu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Xamse oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa booqasho 3 maalmood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalkaas, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Horseed Media