Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay xaalada Magaalada jigjiga.

Published: August 5, 2018

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Qardho waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamey dhibaatada wayn ee ka dhacday dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, boqorku waxaa uu sheegay in aan la aqbali Karin waqtigaan in ciidamo la geeyo jigjiga, dawlada federaalkana waxa uu ka codsaday in ay hirgeliyaan balan qaadkii ahaa in Geeska Afrika laga hirgeliyo nabad waarta.

Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa uusheegay in aysan xaq ahayn in dadka soomaaliyeed khayraadka dhulkooda laga helay laga siiyo wax dhan boqolkiiba shan, boqorku ugu dambayn waxa uu fariin u diray dadka soomaalida ee ku dhaqan dawlad deegaan soomaalida itoobiya.

Weriya Horseed Media ee Qardho Maxamuud Nadiif Shire ayaa warbixintaan kasoo diyaariyay shirka jaraaid ee Boqorku qabtay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *