Bosaaso: Issimada oo kulan la yeeshay ururada Haweenka

Published: January 1, 2022

Isimada Puntland ee ku jirey waan-waanta ayaa galabta la kulmay haween-weynaha magaalada Boosaaso, maadaama ay udub-dhexaad u yihiin bulshada, isla markaana yihiin dadkii qaxay oo wajahay duruufihii ugu badnaa.

Issimada ayaa dadaal ugu jira sidii loo xalin lahaa shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Bosaaso ee dhexmartay ciidamada PSF iyo kuwa Dowlada Puntland.

Magaalada ayey sidoo kale ku sugan yihiin siyaasiyiin kala duwan oo dadaal ugu jira inay ka qeyb qaataan xal u helida arrimahan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa dhawaan sheegay inuu garawsaday baaqii ay horey usoo saareen Issimada isla markaana ka codsaday inay madaxda dhaqanka arrintan gacan kasiiyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *