Cabbaas oo sheegay in maamulka Falastiin ay ‘dib u eegi doonaan’ xiriirkooda Mareykanka

Published: April 20, 2024

Maamulka Falastiin ayaa “dib u eegi doona” xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka ka dib markii Washington ay diidday dalabkii Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay, sidaa waxaa sheegay maanta oo Sabti ah Madaxweyne Maxamuud Cabbaas.

“Hoggaanka Falastiin waxay dib u eegi doonaan xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Mareykanka si loo xaqiijiyo ilaalinta danaha dadkeena, qadiyadeena, iyo xuquuqdeena,” Cabbaas ayaa u sheegay wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.

Codbixintii Khamiistii ka dhacday Golaha Amaanka ayey 15ka xubnood ee golahaasi 12 waddan oo kamid ah taageereen qaraar soo jeedinaya in Falastiin xubin buuxda noqoto, waxaana codka Veto ku diiday Mareykanka halka ay ka aamuseen labada dal ee Britain iyo Switzerland.

Cabbaas ayaa sheegay in hoggaanka Falastiin uu “samayn doono istaraatiijiyad cusub oo lagu ilaalinayo go’aamada qaranka Falastiin si madax-bannaan oo ah ajandaha Falastiiniyiinta halkii ay daban socon lahaayeen aragtida Mareykanka iyo ajendahooda gobolka.”

Waxa uu sheegay in Falastiiniyiintu “aysan ku sii ahaan doonin la haystayaal siyaasada Mareykanka ee guul-darraysatay oo hada u cadaatay caalamka oo dhan.”

Waxa uu sheegay in mowqifka dowladda Mareykanka uu “dhaliyay caro aan horay loo arag oo ee shacabka Falastiiniyiinta iyo dadka gobolka, taasoo suurtagal ah inay gobolka u riixdo xasillooni darro, fowdo iyo argagixisanimo.”

Horseed Media