Cabdi Xaashi Oo Ka Horyimid Ansixinta Golaha Garsoorka

Published: February 14, 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdi ayaa ka qaadacay habka loo maray dhisida golaha garsoorka dalka oo ay horey u ansixiyeen golaha shacabka federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu sharci darro ku tilmaamay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee 7-da xubnood ee Golaha adeega Garsoorka, sidoo kalena ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka KMG ah ee dalka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *