Cabdikarim Xuseen Guuleed & Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Published: May 21, 2023
Shares88

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka labada masuul ayaa horudhac u ah Qorshaha Talo Wadaagga Madaxda iyo Bulshada Dowladd Goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa si qoto dheer isaga wareysteen Socdaal uu dhawaan Ergeyga ku tagi doono deegaanada Jubbaland si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland. 

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xafiiska Ergeyga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, halka dhankiisa Guuleed uu Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshaha Xafiiskiisa.

Horseed Media