Cadaado: Madaxweyne Qoorqoor oo tababar u furay ciidamo katirsan Booliska Galmudug

Published: August 11, 2022
Shares544

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.

Tababarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Dugsiga tababarrada ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadan cusub ee uu tababarka u furmay, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu dambeyn ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa in ay u dhameystiraan cutubyadan dhammaan adeegyada ay ubaahanyihiin si ay uga mid noqdaan ciidanka Booliska Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *