Cali Xoosh oo si rasmi ah xilka wasaaradda arrimaha gudaha ula wareegay.

Published: April 16, 2024
Shares4

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana uu kala wareegay Axmed macalin Fiqi oo loo wareejiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kala wareejiyey labada wasiir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.

Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

HORSEED MEDIA