Cameroon: Weerar lagu dilay in ka badan 20 qof

Published: November 7, 2023

Kooxaha Gooni-u-Goosadka ayaa Isniintii shalay weerar balaaran ku qaaday magaalada Mamfe ee koonfur-Galbeed dalka Cameroon.

Weerarkan oo lala beegsaday degmada Egbekaw ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof, iyadoo ay kooxahan dab-qabadsiiyeen guryo badan.

Tiradda dhimashada ayaa la filayaa inay ka badan tahay 50 qof sida ay sheegayaan dadka rayidka ah.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay 41-guurada kasoo wareegtay markuu xilka qabsaday Madaxweyne Paul Biya oo dalkaasi ka talinayey tan iyo 1982dii.

Kooxaha Gooni u gooska dalkaasi oo ku xoogan Koonfur-galbeed iyo Waqooyi-Galbeed dalkaasi ayaa ah dadka ku hadla luuqda Ingiriiska.

Kacdoonka kooxahaasi wadeen tan iyo sanadkii 2016 ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen in ka badan 6000 qof. Waxaa sidoo kale ku baro-kacay in ka badan 1 milyan.

Horseed Media