CANADA: Laba qof oo lagu diley xaflad aroos Soomaaliyeed

Published: September 4, 2023
Shares70

Xafladda arooska oo ay lahaayeen qoys Soomaaliyeed ayaa ka dhacaysey magaalada Ottawa ee dalka Kanada, xaaladdu waxay ahayd jawi farxad ah, ilaa la gaarey markii la soo dhaweyn lahaa caruuska iyo caruusada oo sacabkii bilowdey, ayaa hal mar la maqley dhawaaqa rasaasta banaanka ka dhacaysa, sida ay goob joogayaal u sheegeen saxaafadda.

Booliska Kanada ayaa sheegay in habeenimadii Axaddu soo geleysey koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Xarunta Shirarka Infinity ee Gibford Drive ee magaalada Ottawa, halkaas oo uu ka socdey xaflad aroos.

Sida Boolisku xaqiijiyeen waxaa isla goobtaas lagu diley labo ka mid ah dadkii arooska ka qaybgalay oo lagu kala magacaabi jiray Siciid Maxamed Cali oo 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi-Daahir oo 29 jir ahaa. Labaduba waxay ka yimaadeen magaalada Toronto. Lix qof oo kale ayaa ku dhaawacmey rasaasta kuwaas oo hadda lagu daaweynaayo Isbitaalka

Taliyaha Booliska Ottawa. Amy Bond ayaa ku tilmaantay toogashada mid naxdin leh, oo aan la aqbali karin. “Waxay dhib ku tahay bulshadeena oo dhan,” ayey tiri.

Amy Bond ayaa sheegtay in ilaa hadda baaritaanka dilka uusan ka soo bixin wax calaamad ah in toogashadu ay tahay mid cunsurinimo ku saleysan ama in dad gaar ah la bartilmaameedsaday. Madaxa bilayska Eric Stubbs ayaa u sheegay warbaahinta isaga oo jooga goobta fal-dembiyeedka galabnimadii Axadda in aanay jirin cid loo qabtay.

Qoyska Siciid Maxamed Cali u sheegeen saxaafadda in aysan garanayn dhib uu geystey ama in uu ahaa bartilmaameed, waxa uu ahaa nin wanaagsan oo shaqeysta ayey yiraahdeen, ma jirto cid ay ilaa hadda farta ku fiiqeen.

Waa mid kamid ah dilalkii ugu foosha xumaa ee ka dhacaa dalkaas iyada oo lagu jiro xaflad aroos in ay ku dhamaatey dhiig iy dhaawac.

Horsed Media