Canada oo India ku eedaysay dil ka dhacay dalkeeda iyo dublamaasiyiin la masaafuriyey

Published: September 19, 2023
Shares6

Canada iyo India ayaa iska eryay diblumaasiyiin sarsare oo ka kala socday wadamada midba midka kale iyadoo ay sii kordheyso xiisada ka dhalatay baaritaanka dilkii nin u dhaq dhaqaaqa gooni-u-goosadka dadka Sikha oo heystay dhalashada Canada, dilkaasi oo ka dhacay gobalka British Columbia.

Raysalwasaaraha Canada ayaa dilkan la xiriiriyey inay ka danbeyso dowladda India – eedeymahaas oo ay India iska fogeysay kuna tilmaamtay “wax aan macquul aheyn” maanta oo Talaada ah.

Isniintii shalay, Raysalwasaaraha Canada Trudeau ayaa baarlamaanka ka sheegay in hay’adaha sirdoonka Kanada ay baareyso dilkii hogaamiyihii Sikha, Hardeep Singh Nijjar oo lagu toogtay 18-kii Juun meel ka baxsan xarun dhaqameed Sikh oo ku taal magaalda Surrey, ee gobalka British Columbia, Canada.

Trudeau wuxuu u sheegay baarlamaanka inuu arrintan kala hadlay Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi xiligii uu socday shirkii G20 asbuucii hore. Wuxuuna Modi u sheegay in aan la aqbali doonin ku lug lahaanshaha dowladda Hindiya ee falkan, waxa uuna ka codsaday in lagala shaqeeyo baaritaankan.

Wasiirka arrimaha dibadda Kanada Mélanie Joly ayaa sheegtay in diblumaasi sare, oo ay sheegtay in uu ahaa madaxa sirdoonka Hindiya ee Canada, laga eryay dalkooda arrintaas awgeed.

Jawaabta India

Maanta oo Talaada ah, wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa soo saartay qoraal ay ku beeninayso eedaymahaas oo ay ku tilmaantay “wax aan macquul ahayn”, waxayna iyaguna dalkooda ka saareen dublamaasi sare oo Kanadees ah.

Ninka la dilay Nijjar, waxa uu qabanqaabinayey afti aan rasmi ahayn ee gooni-u-goosadka dadka Hindiya ee heysta diinta Sikh.

Xukuumada Hindiya ayaa sannadkii hore ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo la siinayo ciddii keenta xog lagu soo xirayo Nijjar, iyagoo ku eedeeyay inuu ku lug lahaa weerar lagu qaaday wadaad Hinduu ah oo ku sugan Hindiya.

Gooni-u-goosadka Sikha, ama Khalistan, waa urur ka mamnuuc ah gudaha dalka Hindiya. Laakin dhaqdhaqaaqiisa ayaa wali xoogaa taageero ah ka haysta waqooyiga wadanka Hindiya, iyo sidoo kale wadamo ay ka mid yihiin Kanada iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay ku nool yihiin qurba-joogta Sikha ah.

Dowlada Hindiya ayaa bartilmaamsaneysay gooni-u-goosadka Sikha tan iyo sannadihii 1980-meeyadii, markaasoo fallaago hubeysan ee Sikha ka dhasheen gobolka Punjab.

Horseed Media