CIA Oo Sheegtay In Ruushku Kumanaan Ciidamadiisa Ah Ay Ku waayeen Ukraine

Published: July 21, 2022

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in militariga Ruushka ay ku waayeen 15,000 oo askari ilaa iyo hadda dagaalka ay kula jiraan Ukraine.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA William Burns ayaa sheegay in ugu yaraan 15 000 kun oo askeri ruushka looga diley dagaalka ay ka wadaan Ukraine. Burns ayaa sidaas ka sheegay shirka amniga ee ka socdey magaalada Aspen ee gobolka Colorado. Agaasimaha CIA ayaa sidoo kale sheegay in qiyaastii ilaa 45 000 oo askeri Ruushka uga dhaawacmeen dagaalka.

Ruushku ma uusan shaacinin tirooyinka hadda ee khasaaraha ka soo gaartey dagaalka. Sidoo kale dhinaca Ukraine ma aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamadooda laga dilay. Si kastaba ha ahaatee, intii lagu guda jiray weerarkii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaaday gobolka Donbas ee bariga Ukraine bishii June, ayay saraakiisha Ukraine sheegeen in ciidamadooda ay luminayaan maalinkasta 100 ilaa 200 oo askari.

Burns ayaa sidoo kale sheegay in tirada ciidamada Ruushka ee gobolka Donbas la isugu ururshey, ugu yaraan, muujineyso in milatariga Ruushku uu dhex fadhiyo guul-darrooyinka bilowga dagaalka kaas oo hadda socda ku dhawaad ​​shan bilood.

Dhimashada CIA ay ku qiyaastey 15 000 oo askeri ayaa ah mid aad u saraysa marka la eego qaabka dagaalka ee Ruushanku ku bilaabeen kaas oo ahaa in ay Ukaine ku qabsan karaan 48 saacadood gudahood, waxaana ay ugu yeereen hawlgal gaar ah.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *