Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgallo amni ka sameeyey degmooyin katirsan gobolka Banaadir

Published: August 28, 2022
Shares330

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa howlgal culus ka sameeyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo Amniga lagu xaqiijinayay, Isla markaana looga hortagayay kuwa falalka Amni darro geysta, sida dilalka, dhaca dadka Shacabka ah iyo Ciyaal weerada oo Shacabka Muqdisho qaarkood ay qaati ka taagan yihiin.

Ciidamada ayaa sidoo kale baarayey gaadiidka iyo xaafadaha qaar ee degmooyinka howlgalka laga sameeyey, si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadayaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga guud ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *