Ciidamada Difaaca Puntland Oo Hawgalo Ka Sameeyey Buuraleyda Calmadow

Published: February 9, 2021

Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF iyo PMPF ayaa si wadajir ah hawlgal uga fuliyey deegaanada Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Cal Madow, hawlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo afjari lahaa xubno ka tirsan Al Shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo Galgala.

Taliska Ciidamada ayaa sheegay inuu hawlgalkan si guul leh ugu soo dhamaaday intii uu socday waxaana lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Ciidamada difaaca Puntland way sii wadi doonaan gulufkooda ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddan ka caaggan falalka argagixisanimo.

Ciidamada Puntland

Sidoo kale Ciidamada Puntland oo mudadan hawgalo lagu sugayo amaanka ka wadey magaalada Boosaaso ayaa xalay soo qabtay xubno dhowr ah oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *