Ciidamada Dowaldda Federaalka oo isaga baxay magaalooyinkii ay dhawaan qabsadeen

Published: August 29, 2023

Ciidamada Dowladda Federaalkaa ayaa dib uga baxay magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Laba ka mid ah saraakiisha dawladda oo diiday in magacooda la sheego maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan arrimahan ayaa sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga baxeen magaalooyinka Ceeldheer, Masagaway, Wabxo, Budbud iyo Galcad.

Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dawladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah taliyaha guutada 26-aad ayaa waraysi uu siiyey VOA ku sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay ” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin goobahaas.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarka, balse ilo wareedyo dhowr ah oo dhanka ammaanka ah oo aan la xiriirin ayaa sheegay in labada guuto ee qabsaday Cowsweyne uu gaaray khasaare xooggan. Sarkaal ka tirsan dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay weerarkii ka dhacay Cowsweyne inuu ahaa mid xanuun badan.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay la wareegeen saldhigga, ayna ku dileen 178 askari, maxaabiisna ay ku qabteen. Sheegashadaas si madax banaan looma xaqiijin.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan bartamaha Soomaaliya, Yuusuf Ciise Kabakutukade, ayaa Isniintii sheegay in weerarkii Cowsweyne uu ahaa “guul taariikhi ah”.

Waxa uu sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay dhayalsadeen maleeshiyaadkaasi isagoo yiri “waa koox yar, waan soo ururineynaa”.

Waxa uu ku faanay in Al-Shabaab ay deegaanka Cowsweyne ku qabsadeen hub aad u badan oo ay kooxdaasi u adeegsan karto dagaal sanadaha soo socda.

Horseed Media