Ciidamada Dowladda iyo Malayshiyaad beleed mar kale dib ula wareegay degmada Wabxo

Published: August 21, 2023

Ciidamada Dowladda federaalka iyo malayshiyaad beeleed, ayaa maanta dagaal ku qaadey kooxaha argagxisada ee ku sugan deegaanka Wabxo, waxaana dagaal culus uu ka dhacay meel ku dhaw Wabxo ee gobolka Galguduud, ka hor inta aan al-Shabaab isaga bixin halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee isniinta dagaal xooggan ka dhacay inta u dhaxeysa Ceel Gorof iyo Wabxo, iyadoo Ciidamada huwanta ah ay weerarka qaadeen.

Magaalada Wabxo waxayna 40km u jirtaa degmada Ceelbuur oo ah farriisin ugu weyn Shabaabka ku sugan gobolada dhexe.

Bishii November ee sanadkii hore 2022, ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Wabxo, hase ahaatee maalmo kadib ayay isaga baxeen, halkaas oo Alshabaab markii dambe ay dib ula wareegeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in degaanada la xoreeyo aan dib looga bixi doonin, waxayna sheegtay in loo diyaariyay qorshe adag oo xasilin ah. Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka al-Shabaab waxaa si toos ah u hoggaaminaaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo dheer ku sugan Dhuusamareeb.

Horseed Media