Ciidamada Israa’iil ayaa iska caabin adag kula kulmay dagaalyahanada Gaza

Published: November 2, 2023

Ciidamada Lugta ee Israa’iil ayey dagaalo adag ku qabsadeen magaalada Gaza oo ay kula dagaalamayaan Xamaas iyo Kooxda Islaamic Jihad.

Ciidamada Israa’iil ee ku wajahan bartamaha magaalada Gaza ayey qabsadeen dagaalo xoogleh iyadoo la dilay mid kamid ah abaanduulayashooda.

Abaanduulihii Guutada 53aad Col.Salman Habaka ayaa kamid ah askarta laga dilay, sida ay xaqiijiyeen militariga Israel.

Israel ayaa qirtay in dagaalyahanada Xamaas iyo kuwa Islamic Jihad ay u dhigeen miinooyin iyo jidgooyooyin ay la socoto dhabar jabin, iyagoo adeegsanaya gododka ay dhulka ka qoteen.

Xamaas muddo dheer ayey u diyaar garoobeysay dagaalka, ayuu yiri Jeneraal Iddo Mizrahi oo ka tirsan Taliska militariga Israel.

Diyaaradaha dagaalka & madaafiicda Israel ayaa weli duqeyn ku wada Gaza, iyadoo tirada dhimashada shacabka ay kor u dhaaftay 9.000 qof.

Horseed Media