Ciidamada Israel oo weerar kooban oo dhulka ah ku qaaday Waqooyiga Gaza

Published: October 26, 2023

Ciidanka Israa’iil ayaa Khamiistii sheegay in ciidamadoodu ay xalay fuliyeen “Weerar kooban” iyaga oo isticmaalaya taangiyo isla markaana gudaha u galeen qeybo kamid ah waqooyiga Marinka Gaza.

Weerarkan ayey sheegeen inay ku burburinayeen qeybaha kamid ah difaacyada Xamaas ee waqooyiga Gaza, kahor duulaanka dhulka ee la filayo inay ciidamada Israel ku qaadaan Gaza.

Israel ayaa 20kii maalmood ee lasoo dhaafay duqeyn xoogleh ku waday marinka Gaza oo ay ku dileen in ka badan 6-kun oo shacab ah, balse illaa iyo hada aan ku guuleysan inay duulaan dhulka ah ku qaadaan Gaza.

Qaar kamid ah hogaamiyayaasha reer galbeedka ee Israel taageera ayaa uga digay xukuumada xagjirka ah ee Netanyahu inay weerar dhulka ah qaadaan taasi oo ay khasaaro badan ka dhalan karto.

Ururka Xamaas ayaa maalmo kahor sheegay inay cagta mariyeen urur ka tirsan ciidamada Israel oo isku dayey inuu kasoo tilaabo xaduuda Gaza ee nawaaxiga deegaanka Khan Yuunis.

Horseed Media