Ciidamada Isra’il oo isaga baxay isbitaalka Shifa ee Gaza

Published: April 2, 2024
Shares2

Ciidamada Israa’iil ayaa isaga baxay Isbitaalka Shifa ee Gaza, iyagoo sheegay in ololahooda labada toddobaad uu ahaa mid ka mid ah howlgallada ugu guulaha badan illaa hadda. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, meydad badan ayaa la helay ka dib markii ay ciidamadu baxeen.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa weerarka lagu qaaday isbitaalka lagu daweynayo bukaannada sida daran u dhaawacmay ku tilmaamay dambi dagaal, halka saraakiisha Israa’iil ay sheegeen in cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ay weerar qorsheysan ku qaadeen xarun ay Xamaas ku xooggan tahay oo si ula kac ah u dhex taallay dad rayid ah oo nugul.

Kumanaan Falastiiniyiin ayaa gabaad ka dhiganayay dhismahan, oo ka mid ah goobo yar oo ku yaal waqooyiga Gaza oo xoogaa helitaan koronto iyo biyo ah.

Ismaaciil Al-Thawabta, oo ah agaasimaha xafiiska warbaahinta ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku dileen gudaha iyo hareeraha isbitaalka 400 oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan haweeney dhakhtar ah iyo wiilkeeda oo sidoo kale ahaa dhakhtar Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa sheegay in milatariga Israa’iil ay burburiyeen 1,050 guri oo ku yaalla agagaarka isbitaalka al-Shifa halkaasi oo ay go’doomiyeen 13kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Hanad Askar
HORSEEDMEDIA