Ciidamada Jubaland Oo Hawlgalo Ka Sameeyey Deegaanada Jubbada Hoose

Published: June 21, 2023

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka fuliyay deegaanno u dhexeeya Janaay cabdalle iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan  qorshaysan ayay ciidamadu ka fuliyeen Tuulooyinka kala ah Harboole, Miido iyo Biibi, iyadoo khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh.

Ciidamada ayaa cagta mariyay goobo ay dadka ku dhici jireen khawaarijta Al-shabaab kuna qaadanayeen lacago baad ah, ciidamada is garabsanayay ayaa suurta geliyay in ay fasaxaan dad safar ahaa oo ay Khawaarijtu haysatay.

Horseed Media