Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya oo loo wareejinayo Kenya & Jabuuti

Published: December 5, 2020

Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa Jimcihii shaacisay in Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Donald Trump uu amar ku bixiyey in ciidamada Soomaaliya ku sugan halkaas laga saaro.

Ciidamadan ayaa la sheegay in bilowga bisha Janaayo la geyn doono wadamada Jaarka la ah Soomaaliya (Kenya iyo Jabuuti) si ay halkaasi uga hawlgeli karaan gudaha Soomaaliya goortii loo baahdo.

Macada tirada ciidamada Maraykanka kala baxayo Soomaaliya inay tahay dhamaan askarta joogta oo gaareysa 700 iyo inta ku hari doonta gudaha Soomaaliya oo aan weli faah faahin laga bixin.

Go’aankan ayaa daba socda balanqaadkii Donald Trump oo sheegay inuu dib usoo celin doono ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afghanistan, Ciraaq iyo Soomaaliya.

Trump ayaa horey u amray in 2000 askari laga soo qaado ciidamada ku sugan Afghanistan, halka 500 ku sugan dalka Ciraaq iyagana wadankaasi laga saari doono.

Xoghayaha Kumeel Gaarka ah ee Gaashaandhiga Maraykanka Christopher Miller ayaa jimcihii 27kii November booqasho kadis ah ku yimid magaalada Muqdisho, safarkiisaas oo la rumeysan yahay inuu la xariiray qorshaha Maraykanka ciidamadiisa kula baxayo.

Xoghayihii hore ee xilka laga qaaday Mark Esper ayaa isagu doonayey in wadanka Soomaaliya ciidamada jooga ay halkaasi sii joogaan, isla markaana hadii ciidamada Afrika jooga wax laga bedalayo soo jeediyey in Maraykanka hoos u dhigo ciidamada ka jooga dalalka Waqooyiga Qaarada Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha la filayo inuu xilka la wareego ee Joe Biden ayaan la ogeyn inuu la imaan doono siyaasad cusub oo ku aadan dalka Soomaaliya, waxaase cad in Taliska militariga ay kasoo horjeedeen qorshaha Trump ee ciidamada laga saarayo dalalkii uu Maraykanka wakhtiga badan geliyey.

Maxamed Cismaan
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *