Ciidamada Maraykanka oo ka hortagay gantaalo laga soo ganay Yemen oo ku wajahnaa Israa’iil!

Published: October 20, 2023

Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka oo ku sugan badda cas ayaa khamiistii soo riday gantaalo iyo diyaarado Drones ah oo ay soo direen Xuutiyiinta Yemen, waxaana laga yaabaa in ay ku wajahnaayeen Israa’iil, sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka.

Saddex “gantaallada iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn” ayaa waxaa burburiya Markabka dagaalka ee Mareykanka, sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Pentagon-ka, Jeneraal Pat Ryder.

Weerarka waxaa soo qaaday xoogagga Xuuthiyiinta ee Yemen oo laga yaabo inay la beegsanayeen Israa’iil, ayuu raaciyay.

Markabkan oo lagu magacaabo USS Carney ayaa roondo ka waday Badda Cas, taasoo qeyb ka ah joogitaanka ciidamada Mareykanka ee si weyn loo xoojiyay oo uu amray madaxweyne Joe Biden si loo ilaaliyo xasiloonida ka dib dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxda Xamaas ee ka dagaalanta marinka Qaza.

Talaadadii, Pentagon-ka ayaa sidoo kale amar ku bixisay in heegan la geliyo ciidamo gaaraya 2,000 oo askari si ay u caawiyaan Israel.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in soo daabulista ciidamadoodan ay u ogolaaneyso Mareykanka “inuu si deg deg ah uga jawaabo” qalalaasaha, halka Madaxtooyada Mareykanka ay carabka ku adkeesay ineysan ku talo jirin in ciidamadan Mareykanka ay ka dagaalamaan gudaha ama dhulka Israel.

Horseed Media