Ciidamada Raas Casayr oo qabtay Burcad-Badeed

Published: February 7, 2024

Ciidamada Gobolka Raas Casayr ee Puntland ayaa Hawlgal Qorshaysan oo ay sameeyeen kusoo qabtay koox burcad badeed ah.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanada Dhurbo, Biyo Kulule, iyo God-deexeed.

Hawlgalkas oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Gobolka Raas caseyr oo kaashanaya Ciidamadda Ilaalada Badda PMPF ayey ku soo qab-qabteen koox burcad badeed ah.

Kooxdan Burcad Badeedka ah oo ay Ciidamada Booliska ku raad joogeen ayaa ku hubaysanaa hubka noocyadiisa kala duwan sida RPG, PKM, iyagoo watay Rasaas badan iyo Shidaal.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr; G/sare Fu’aad Mohamoud Hussain oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in 3 qof falka lagu soo qabtay wuxuuna intaas ku daray in la hor geeyn doono sharciga.

Horseed Media