Ciidamada Ruushka oo dad rayid ah ku laayay Magaalada Chasiv Yar ee dalka Ukraine

Published: July 12, 2022

Ciidamada Ruushka oo duqeymo ka gaystay dhismayaal ay dadka rayidka ahi degan yihiin oo ku yaalla magaalada bariga dalka Ukraine ee Chasiv Yar ayaa waxaa sii kordhaya khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray duqayntaas.

Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ee Gobolka Donetsk ayaa sii wada dadaalada ay burburka hoostiisa kaga raadinayan xubnaha ay qoysaskoodu ka maqan yihiin.

Dhimashada gantaalka Ruushka uu ku dhuftay dhismahan oo shan dabaq ah ayaa gaartay 31 qof, Saraakiisha Caafimaadka ayaana sheegaya in dhimashadu ay intaasi ka badan karto.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa xalay sheegay in Shaqaalaha Gurmadka ay soo samata-bixiyeen sagaal qof. Waaxda Gurmadka Degdeggu waxay sheegtay in dad badan ay weli ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Duqayn kale oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay shalay ka gaysteen magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv ayaa galaafatay nolosha shan ruux oo rayid ah. Tani ayaa ka dambeysay, markii Ciidanka Cirka Ruushka ay bartilmaameedsadeen dhisme rayidku degan yihiin.

“Waxaan arkay nalalka Gaadiidka Shaqaalaha Gurmadka, waxaan bilaabay inaan qayliyo, aniga oo leh waan noolahay ee fadlan iga saara meeshaan.” Ayay tiri Valentina Popovichuk oo ka mid ahayd dadkii dhismahaasi laga soo samata-bixiyay.

Waxay sheegtay inay huruday, markii dhismaheeda lagu garaacayay illaa saddex gantaal.

“Shaqaalaha Gurmadka waxay soo galeen dhismaha, albaabka ayay igu soo garaaceen, wayna iga soo saareen.” Ayay Valentina Popovichuk u sheegtay Reuters.

Ruushka ayaa si joogto ahi u beeniyo inuu waxyeeleeyo rayidka, tanise waxay astaan kale u tahay bartilmaameedkiisa goobaha rayidka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *