Ciidamada Ruushka oo la dhex-dhigay Azerbaijan iyo Armenia

Published: November 11, 2020

Dowladaha Azerbaijan iyo Armenia oo saxiixay heshiis xabad joojin ah oo uu garwadeen ka ahaa Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ogolaaday in ciidamada Ruushka la geeyo gobalka lagu dagaalamay ee Nagorno-Karabakh.

Azerbaijan ayaa guulo ka gaartay heshiiskan oo qoraya inay gacanta ku heyn doonto 7 degmo oo ku hareeraysan gobalka Nagorno-Karabakh oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamada Armenia kuwaasi oo dagaal looga saaray 6dii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Azerbaijan ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay magaalada labaad ee gobalkaasi ee Shuha oo ku taal goob muhiim ah iyo wadada isku xirta gobalkaasi iyo dalka Armenia.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo dhaweeyey dalka Azerbaijan, halka shacabka Armenia ay si weyn uga niyad-jabeen heshiiskan dowladooda ay saxiixday.

Dad careysan oo reer Armenia ah ayaa shalay xoog ku galay aqalka Baarlamaanka Armenia iyagoo codsanaya in xukuumada dalkaasi is-casisho.

Raysalwasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa dhankiisa sheegay inay ahayd wadada kaliya oo u furan inay heshiiskaasi ay saxiixaan si dagaalka loo joojiyo.

Ahmniyadeena waxay ahayd joojinta hawlgalada militari taas ayaa muhiim noo ahayd….waana faah faahin doonaan sababta nagu khasabtay heshiiskan, balse hada kama hadli karo oo waxay arrintan khatar gelin kartaa dad badan….” ayuu yiri Raysalwasaaraha Armenia.

Armenia ayey khasaaro badan oo militari kasoo gaartay dagaalkan iyagoo ku eedeeyey dowlada Turkiga inay gacan siisay ciidamada Azerbaijan oo si weyn loo qalabeeyey.

Ciidamada Ruushka ayaa maanta soo gaaray dalka Armenia kuwaasi oo bilaabi doona hawlgaladooda ay ku xaqiijinayaan xabadjoojinta.

Waxaa horey u burburay sadex goor xabad joojino la dhex dhigay labada dal, imaanshaha ciidamada Ruushka ayaa looga gol leeyahay xaqiijinta in dhinacyadan aysan ku xadgudbin sharuudaha xabad joojinta.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *