Ciidamada Somaliland oo ku fashilmay weerar ay doonayeen inay ku qabsadaan Laascaanood

Published: February 21, 2023
Shares24

Ciidamada Somaliland ayaa aroornimadii hore ee saaka saddex jiho weerar kaga soo qaaday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weerarka kadib waxaa halkaas ka dhacay dagaal culus oo ay dadka degaanka is kaga difaacayaan damaca Somaliland.

Ciidamada Somaliland oo maalmihii dambe weday abaabul xooggan ayaa doonaya in ay awoododa dhan iskugu geeyaan sidii ay u qabsan lahaayeen magaaladan.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli warar kala duwan ay sheegayaan in Isimo kansocota dhanka Somaliland ay ku wajahan yihiin Laascaanood.

Horseed Media