Ciidamada Somaliland oo madaafiic ku soo tuurey gudaha magaalada Laascaanood

Published: April 27, 2023
Shares102

Ciidamada Somaliland ee dacadda u ah Col.Muuse Biixi ayaa maanta mar kale madaafiic xooggan ku duqeeyey magaalada Laascaanood ee horey looga saarey.

Madaafiicda aan loo meel dayin ayaa ku soo dhacay agagaarka isbitaalka weyn, jaamacadda Nugaal iyo masjidka jaamaca.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha uu geusyet duqeyntan cusub ee ciidamada Muuse Biixi ay Laascaanood ka geysteen.

Ciidamada ka soo horejeeda ee SSC ee Hartiga ayaa ka baxsan magaalada, waxaana la is weydiinayaa sababta ay weli u duqeynayaan goobaha rayidka iyo caafimaadka.

Duqeyntan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo wefdigii duubabka ee ka tegey Koonfurta dalka isuna xilqaamey in ay nabad ka shaqeeyaan horeyna u booqdey Laascaanood ay ku sugan yihiin Hargeysa.

Horseed Media