Ciidamada Soomaaliya oo helay hub casri ah iyo diyaarado.

Published: July 17, 2023
Shares102

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxeynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay heleen hub culus oo ay u adeegsan doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u kaca, hoobiyaasha nooca tiirada dheer ee 120 iyo hubka lidka diyaaradaha ee loo yaqaan Zuuga.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd sanad kahor laga khafiifiyay, sidaas ayay dowladda bilihii lasoo dhaafay hubakan oo ay ku jiraan kuwa xanibaadu saarneyd ama lagu adkeyn jiray inay soo hesho Soomaaliya ay dalal Soomaaliya saaxiibo la ah ugu deeqeen, sidoo kale qaar kamid ah hubkan ayaa Soomaaiya soo iibsatey.

Wejiga labaad ee dagaalka ayuu sheegay La taliyaha madaxweynaha ee dhanka amniga in Dowaldda Soomaaliya oo keliya ay ka qayb-qaadaneyso, waxaana ay ka bilaameysaa gobolka Galguduud ee bartamaha dalka.

Xuseen Sheekh Cali ayaa la weydiiyey hub faro badan oo horey dowladda al-Shabaab ua qabsadeen, sida loo ilaalin karo hubkan in aysan ku danbeyn doonin gacanta al-Shabaab, la taliyaha ayaa sheegay hubkii orey looga qabsadey duqeymo cirka ah looga burburiyey al-Shabaab, waxaana uu qirey in hub culus laga qabsadey.

Horseed Media